July 04-2014 Hargeysa (Dawgacad) – Guddida dhismaha Jidka Dawga-cad ee isku xidhaya Hargeysa iyo deegaanada Waqooyiga ka xiga, ayaa u mahad celiyey Muwadiniin dalka iyo dibadda ku kala sugan oo u soo diray lacag ay kaga qayb-qaadanayaan wejiga labaad ee dhismaha jidkaasi, kaasi oo isku xidhaya Hargeysa iyo xeebta Ceel-sheekh.