Ururka horumarinta bariga Afrika ee marka Maga ciisa la soo Gaabsado loo yaqaan EAD oo fadhigiisu yahay London uk ayaa manta Shaaciyey in ay soo gaba gabeeyeen qaadhaan ururintii dhismaha Jidka dawgacad Kaas oo ay sheegeen in ay u soo ururiyeen Deeq lacageed Oo ku dhaw 100,000 dolarka Maraykanka ah.
Masuuliyiinta iyo Madaxda ururka EAD Oo hore u sheegay in ay qayb Libaax ka qaadan doonaan Dhismaha jidka Dawgacad ee Waqooyiga Magaalada hargaysa, ururka EAD oo mudooyinkii ugu Dambeeyey dadaal Farabadan ugu jiray sidii ay kaalin muuqata u qaadan lahaayeen dhismahan Dawgacad, ayaa Manta Si rasmiya ugu dhawaaqay in ay soo Gabagabeeyeen qaadhaan ururintaasi aybaryahanba ku hawlanaayeen qaybteedii hore.
Hadaba halkan hoose ka Daawo arimahaas oo dhan.