DAAWO: Guddida Dhismaha Jidka Dawga-cad Oo Deeq Lacageed La Soo Gaadhsiiyey

Gudida dawgacadJuly 04-2014 Hargeysa (Dawgacad) – Guddida dhismaha Jidka Dawga-cad ee isku xidhaya Hargeysa iyo deegaanada Waqooyiga ka xiga, ayaa u mahad celiyey Muwadiniin dalka iyo dibadda ku kala sugan oo u soo diray lacag ay kaga qayb-qaadanayaan wejiga labaad ee dhismaha jidkaasi, kaasi oo isku xidhaya Hargeysa iyo xeebta Ceel-sheekh.

 

 

Shir jaraa’id oo guddida dhismaha Jidka Dawga-cad ay xalay ku qabteen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayay ku faahfaahiyeen lacagta ay u soo direen muwaadiniin reer Somaliland oo ku kala sugan dalalka Ingiriiska, Sweden iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Guddidaasi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan jecelahay inaan halkan ka sheego Dad lacagi naga soo gaadhay, waxa u horeeya Maxamed Xasan Warsame oo jooga dalka Sweden, waxa uu noo soo diray $ 2500 doollar, Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) waxa uu noo soo diray $ 1000 dollar, Maxamed Yuusuf Xirsi oo jooga Sheffield oo Ingiriiska ah, waxa uu noo soo diray $ 3,444 doolar, dhammaantood aad iyo aad-bay u mahadsan yihiin”

Axmed Warsame Siciid, oo ka mid ah xubnaha Guddida dhismaha Jidka Dawga-cad oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Dhammaan taageerayaashayada gudaha dalka iyo dibadda jooga ee maalin walba adduunka noo soo dira, waxaanu leenahay Ramadaan Kariim”

Axmed Warsame Siciid, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu leenahay hawsha si dhaqso ah ayaanu u bilaabaynaa, waanad ku mahadsan tihiin inta aad soo dirteen iyo inta kale ee aanu idinka filaynaba”ayuu yidhi.

Gabogabadii waxa halkaasi ka hadlay isla-markaana duco hawada u mariyey muwaadiniinta lacagtan ugu deeqay dhismaha Jidka Dawga-cad, Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, oo guddida ka mid ah, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan uga ducaynaynaa dadkaa lacagta u soo diray in Dawga-cad wax lagaga qabto, taasi oo sadaqo Jaariya u noqonaysa, waxaanuna ugu ducaynaynaa in halkii ay ka soo saareen uu ILAAHAY ugu bedallo wax ka khayr badan, kuwooga ka soo diray Sweden, gaar ahaan hablaha ayaanu si gaar ah ugu sii ducaynaynaa, hawshiina weli way sii socotaa ayaanu leenahay”

Sheekh Cabdiqaadir, waxa uu intaasi raaciyey “Cabdillaahi Jawaan iyo Maxamed Yuusuf iyo dadkii ay ka soo ururiyeenba waxaanu leenahay ILAAHAY miisaanka xasanaadka ha idiinku daro”ayuu yidhi, isaga oo Allaah ka baryey in cid kasta oo gacan ka geysata dhismaha jidka Dawga-cad uu ajar iyo xasanaad ka siiyo waxtarkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.