Guddida DAWGACAD Iyo Qurba-joog Soo Kormeeray Banneynta Waddada Ceel-Sheekh + DAAWO

Ceel-Sheekh – Guddida dhismaha Jidka DAWGACAD ayaa shalay kormeer ku soo maray deegaanka Ceel-sheekh ee waqooyiga Magaalada Hargeysa.

Kormeerkan oo ujeeddadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada Mashruuca waddada Hargeysa iyo Ceel-sheekh oo dhararkeedu yahay 105KM isla-markaana baneynteedu ay 9KM  oo kaliya u jirto deegaanka badda saaran ee Ceel-sheekh, ayaa waxa guddida ku wehelinayey qurba-joogta reer Somaliland ee guddida ka caawiya dhinaca dhaqaalaha, kuwaasi oo ka kala yimid dalalka Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Kanada iyo waddamo kale.

Weftiga ayaa waxay socod ku mareen waddada dheer ee ay ka socoto baneyntu ee ka dhaadhacda buuralayda Waqooyiga Hargeysa, waxayna markaasi ka dib Guddida iyo xubnaha qurba-joogta ahi si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen buurta Almis.

Xubnaha qurba-joogta ah ee halkaasi ka hadlay ayaa muujiyey sida ay ugu farxeen hawsha adag ee laga qabtey jidka DAWGA-CAD iyo kan Ceel-sheekh ee imika banneyntiisu socoto “Waa Markii noogu horeysay ee aanu halkan nimaadno, inkasta oo aanu lacago aanu dad ka soo ururinay aanu soo dirnay, waxaan leeyahay dadkii soo caawiyey dariiqaasow wixii aad soo dirteen meel wanaagsan ayay mareen oo wax wanaagsan baa lagu qabtay, wax badanna way inoo hadhsan yihiin” sidaa waxa sheegay mid ka mid ah qurba-joogta booqday Jidka DAWGA-CAD oo la galay wejigiisa labaad oo ah Jidka Hargeysa ilaa Ceel-sheekh.

Muwaadinkan qurba-joogta ah oo sii hadlaya ayaa sheegay “Waxa la inooga doonayaa inaynu dhamaystirno dariiqaa oo wax yari ka hadhsan yihiin.

Shirka jaraa’id waxa iyaguna ka hadlay Guddoomiyaha Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi iyo Eng. Axmed Warsame Siciid, waxayna labadooduba au dadweynaha ugu baaqeen in aanay kala hadhin taageeradooda isla-markaana gacan fiican ka geystaan sidii jidkaasi loo dhamaystiri lahaa.

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, oo isaguna ka mid ah Guddida jidkaasi ayaa yidhi “Hawshii aanu saddex sanadood ka hor ka soo bilownay Hargeysa, waxay maraysaa karinkii Ceel-sheekh, banneynteediina waxa ka hadhay 10KM, juhdiga intaasi leegna waxa galiyey dadka deegaanka, ILAAHAY baana mahad daa leh, inta ay innaga dhamaaneyso halka aynu gaadhsiin karno waynu gaadhsiin, cidda innaga dambeysaana halkaa ayay ka sii qaadi, markaa sidii aynu markii horeba u bilownay ayay hawshu inoo sugeysaa ee sidaa ha lagu talo-galo”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.