Guddida Dhismaha Dawga-cad Oo Ka Mahad-celiyay Sidii Loogu Soo Dhaweeyay Jabuuti, Kana Waramay Maxsuulka Safarkoodii

Guddida-Jidka-Dawga-cad-300x225Xubnaha guddida dhismaha Jidka Dawga Cad ee Waqooyiga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, oo maalmihii u dambeeyay safar ugu maqnaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxayna saxaafadda uga warameen ujeedada socdaalkooda Jabuuti iyo natiijadiisii.

 

Guddoomiyaha guddida dhismaha Dawga Cad, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo xubnaha ka soo laabtay Jabuuti hogaaminayey,  oo ugu horeyn ka hadlay shirka jaraa’id ayaa ka waramay ujeedada safarkoodii Jabuuti, waxaanu sheegay inuu la xidhiidhay sidii walaalaha Jabuuti uga qayb-qaadan lahaayeen dhismaha jidka Dawga cad oo aad muhiim ugu ah isku socodka labada shacab ee Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu tilmaamay in dadka reer Jabuuti ee ay la kulmeen ay si aad iyo aad ah u soo dhaweeyeen mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen.

Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxa uu sheegay in safarkooda Jabuuti ahmiyad weyn u lahaa hawsha dhismaha Dawga-cad isla-markaana mudadii ay ku sugnaayeen si qiimo iyo sharaf leh loo soo dhaweeyay, muhiimna ay u arkeen inay ka mahad celiyaan.

Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu war-bixin ka siinay hawsha aanu wadno iyo halka ay marayso iyo waddada Dawga-cad ahmiyadda ay u leedahay dadkeenna ku nool iyo sida ay u anfacayso dad iyo duunyaba, waxaas oo dhan ayaanu ka wada hadalnay, iyagana rayigoodii waanu dhageysanay” ayuu yidhi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxaanu intaasi ku daray “Wixii wax ku darsan karayey (Dhismaha Jidka Dawga-cad) waanu ka soo qaadnay, wixii kalena balan-qaad ayay sameeyeen oo waanu soo direynaa ayay yidhaahdeen, markaa dad wanaagsan ayaanu meeshaa ugu tagnay oo si wanaagsan ayaa la noo soo dhaweeyay iyo gacmo furan, waayo hawshayadu may ahayn siyaasad ee waxay ahayd samo-fal iyo hawshaa ciddii wax ku soo darsanaysaay ku soo darso, si wanaagsanna waa lanoo dhaweeyay, wayna mahadsan yihiin dhammaantood”.

Guddoomiyaha guddida dhismaha Dawga-cad, Eng. Xaashi Cilmi, waxa kale oo uu shira jaraa’id ee ay Hargeysa ku qabteen ka sheegay deeq lacageed oo Hablo jooga dalka Holland soo gaadhsiiyeen “Waxaanu $ 1000 doolar ka qabanay hablo jooga Holland, waxaana u guddoomiye ah hablahaasi inan la yidhaahdo Xasna Axmed Sheekh Xasan, aad iyo aad-baad ayaad u mahadsan tahay, ILAAHAYNA wax khayr leh ha kuugu bedalo” ayuu yidhi, isaga oo sidoo kalena sheegay in xubno guddida ka mid ahi Waddamada Yurub ugu maqan yihiin sidii loo dardar gaklin lahaa hawsha dhismaha Waddada, kuwo kalena loo diri doono dalalka Carab.

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, oo ka mid ah guddida dhismaha Dawga-cad ee safarka ku tagay Jabuuti, ayaa isaguna ka mahad-celiyey sidii loo soo dhaweeyay, isago oo sidoo kalena tilmaamay inay ka sidaan Jabuuti qadar lacageed oo dadkii ay la kulmeen ugu talo-galeen inay kaga qayb-qaataan dhismaha jidka Dawga-cad.

Sheekh Cabdiqaadir, waxa uu xusay inay halkaasi ka sii wadayaan hawsha guddi ka shaqeyn doonta agaasinka qaadhaanka lacageed ee walaalaha reer Jabuuti balan-qaadeen inay kaga qayb-qaadan doonaan dhismaha jidkaasi “Intii aanu joognay gacmaha ayaa lanagu siday, adduun badanna way na soo siiyeen, wixii ka dambeeyana ballamo iyo guddi sii shaqeynaysa oo nooga dambaysaana way jirtaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray Sheekhu “Waxa intaasi dheer nin aanu u ducaynay idinku aad u ducayn doontaan oo innaga xil qaaday hawsha inteeda ugu badan ilaa bil ka dib bilaabo, taasi oo ah in laga bilaabo Hargeysa ilaa xeebta uu caro tuul dhigo, saddex biloodna uu halkaasi ku jiro oo uu kharashkeeda iyo qalabkeedana uu isagu keeno”

Si kastaba ha ahaatee, waddada Dawga-cad oo ahmiyad weyn u leh gaadiidka u kala gooshaya labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland, ayay lagama marmaan tahay in dadku guddo iyo dibadba ay gacan ku siiyaan dhismaheeda guddida isku xil-qaamay, iyada oo ay tahay waajibaad waddaniya oo qof walba laga dhowrayo inuu kaalin ku yeesho, siiba qurba-joogta deegaanka u dhalatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.