Guddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD Oo Deeq Lacageed La Soo Gaadhsiiyey

Guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD ee waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa ka mahad celiyey deeq lacageed oo ay soo gaadhsiiyeen jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Kanada.

Shir jaraa’id oo ay Guddidu ku qabatay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxay faahfaahiyeen deeqdaasi oo dhan $ 46000 doollar iyo weliba 500 dollar oo uu si gaar ah u soo gaadhsiiyey muwaadin deggan Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Jidka Dawga-cad, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu ugu horeysiinaynaa jaaliyaddeena Kanada oo uu ugu horeeyo Ugaas Cabdillaahi Xawaareeye, lacagta naga soo gaadheyna waxay dhan tahay,  $ 46,000 dollar, meel wayn-bay naga gufeynaysaa, ILAAHAY wax wanaagsan ha ugu bedalo”

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, ayaa isaguna sheegay “Maxamed Axmed Idiris (Gacan), oo Hargeysa deggan, ayaa isaguna noogu deeqay $ 500 doollar. Dhammaantood waxaanu leenahay ILAAHAY halkaad ka soo saarteen wax ka khayr badan ha idiin geliyo, ubadka iyo nafta ILAAHAY ha idiinku ilaaliyo, Aakhirana Eebe ha idinku geeyo jannada – hawshuna way sii soconaysaa oo ma dhamaanin”ayuu yidhi Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac

Eng. Axmed Warsame Siciid, oo ka mid ah guddida dhismaha Jidka Dawga-cad, ayaa isaguna sheegay in toddobaadka dambe ay soo bandhigi doonaan hawsha laga qabtay ballaadhin lagu waday meelo ka mid ah waddada Dawga-cad  “Waxaanu jecelahay inaanu toddobaadka soo socda aanu war-bixin ballaadhan aanu idinka Siino hawsha intii waddo ballaadhinta ahayd waxa laga qabtay, laakiin waxa aanu sheegaynaa uun in lacagahaa aad soo direysaan ay wax weyn hawlaha aan ku jirno. Imikana waxa dawgii ku jira qalab aad u culus oo aad Warbaahinta ka arki doontaan”ayuu yidhi.

Eng. Cali Cabdi Sarajoog oo ah Injineerka gacanta ku haya dhismaha jidkaasi, ayaa isaguna tilmaamay “Waxay ahayd inaanu toddobaadkanba idin tusno hawsha culus ee ka socota Waddada Dawga-cad, laakiin roobab ka da’ay Hargeysa ilaa Dawga-cad, ayaa dhibaato yar u geystay, markaa hawsha laga qabtay toddobaadka dambe ayaanu idin tuseynaa”ayuu yidhi, Eng, Cali Cabdi Sarajoog.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista iyo xumaan Joojinta Somaliland, xubinna ka ah guddida Dhismaha Jidka Dawga-cad, Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa isaguna u duceeyay dadka soo diray lacagta la soo gaadhsiiyey “Dadka lacagaha soo diray waxaan leeyahay ILAAHAY ha idin xiftiyo, inta aad la hadheena ILAAHAY ha idiin barakeeyo. Dariiquna waa dariiq dheer, haka gaabinina inaad samaysaan ka qayb-qaadasho joogto ah. Waayo waxaa yar-baa wax dhiseysaa Iinsha Allaahu Tacaalaa, qofku hadduu bishii hal doolar meel dhigo waxa laga yaabaa in afarkiinaa qof (dadka kanada lacagta ka soo diray) ay bil walba afartan kun oo dollar soo xereeyaan..dedaalkiinana ILAAHAY barakeeyo”ayuu yidhi, Sheekh Cabdiraxmaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.