Guddida Dhismaha Jidka Dawgacad Oo U Mahad-celiyey Jaaliyadda Ingiriiska Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyay Wefti Guddida Ka Socday

gudida-dawga-sawir-1-300x164Guddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD, ayaa u mahad-celiyey Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, kuwaasi oo si weyn u soo dhaweeyay wefti ka socday guddida dhismaha jidka Dawga-cad oo muddo dhowr iyo afartan maalmood ah safar ugu maqnaa UK.

Eng. Cali Cabdi Sarajoog, oo guddida dhismaha Jidka Dawga-cad u dareen Ingiriiska, si uu jaaliyadda reer Somaliland gaar ahaan jaaliyadda deegaanka laga hirgalinayo, ayaa dalka ku soo laabtay isla-markaana ka waramay soo dhaweyntii uu jaaliyadda kala kulmay, dedaalka guddi jaaliyaddu samaysatay ugu jiraan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen wejiga labaad ee dhismaha dawga-cad.

Eng. Cali Cabdi Sarajoog, oo ay shirkaa jaraa’id ay ku wehelinayeen xubnaha guddida dhismaha jidka Dawga-cad, ayaa yidhi “Waxaan idinka maqnaa dhowr iyo afartan cisho, dadkii aan halkaa ugu tagayna siday ii qaabileen war kuma dhamayn karo, Ingiriiskana meel aanaan marin ma jirto, hadday Bristol tahay, hadday Manchester tahay iyo haddii ay tahay Cardif tahay, London-na hadalkeeda daa’, dedaalka lagu dhaqaaqeyna maaha mid hore inoo soo maray, waanad arki doontaan”

Eng. Sarajoog, waxa kale oo uu sheegay “Dedaalkaasi waxa keenay niman dhalinyaro ah oo guddi sameeyay, haddii cid hawl u dhaqaaqeyso in la sameeyo meel laga duulo oo ay ka dhaqaaqdo iyo  nidaamku waa lagama maarmaan, ILAAHAY-baa mahad leh ee halkaasi (UK) ayay taasi ka samaysantay, waana nimanka I waday ee meel walba hawshan ila waday ayay ahaayeen, guddida hawsha Dawga-cad wadana shahaado sharafyo ayay soo siiyeen oo waan sidaa, wax badan oo la ururiyeyna way jiraan oo taasi ayayba dib iigu dhigeen, laakiin waxbaa u hagaagi waayay, waxayna yidhaahdeen waxayaga (Kharashka ayay Dawga-cad kaga qayb-qaadanayaan) oo kuusan inay mar idin soo wada gaadhaan ayaanu doonaynaa ee sidaa ku ambo-bax ayay yidhaahdeen, waxaanuna filaynaynaa in bishan dhamaadkeeda waxay ugu talo-galeen (Jidka Dawga-cad)” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Intii aan joogay Ingiriiska uun kumaano koobnayn ee Kanada ilaa Finland meel aan la xidhiidhin may jirin..”

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, oo ka mid ah xubnaha guddida dhismaha jidka Dawga-cad, ayaa isaguna yidhi “Halkan waxaanu uga mahad-celinaynaa jaaliyadda reer Somaliland ee Ingiriiska, gaar ahaan dadka deegaanka jidka Dawga-cad, shirkii ay qabteen ee ay ku soo dhaweeyeen weftigayagii Cali Cabdi Sarajoog, ILAAHAY-na waxaanu uga rejaynaa in abaabulkaa iyo hawshaasi u dhamaystiro..waa inaad ka digtoonaataan shaydaanka iyo waxyaabaha khalkhalka abuura, dhamaystirkeedana ILAAHAY ayaanu ka baryeynaa – waanuna idin sugaynaa”

Guddoomiyaha guddida dhismaha Jidka Dawga-cad, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, ayaa isaguna sheegay “In badan-baad maqasheen waxaanu bilaabaynaa wejigii labaad, annaga oo weli sugayna ballan-qaadkii aanu Jabuuti kala nimid ee ahaa inuu helo qalab aanu ku shaqeyno, waxaanu doonaynaa inaanu soo eegno dooxyada Almis (deegaanka Almis) naga xiga, waxaanu doonaynaa inaanu soo eegno mid walba kharashka ku baxaya si markaa si hawl yar looga baxo, ILAAHAYNA waxaanu ka baryeynaa in waxa aanu hayno iyo waxa aanu filanaynaa naga buuxiyaan..”

Xasan Cali Wayd, oo ka mid ah waxgaradka qurba-joogta Somaliland ee Ingiriiska ee hadda ku sugan Hargeysa, ayaa isaguna yidhi “Annigu caawa aad iyo aad ayaanu u faraxsanahay, waxaan ku faraxsanahay, ninku haddii reerkiisa isaga oo ka maqan Martida u timaada si wanaaagsan loo soo sooro, wuu ku farxaa, markaa farxaddeydu waxa weeyaan UK oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay iyo hawsha oo si wanaaagsan uga socota, aad iyo aad-baan idiinka mahad-celinayaa (reer UK), arrinkaa Dawga-cadna taariikh ayuu ku dambayn doonaa, waxayna rejaynayaa inaad si weyn uga wada qayb-qaadan doontaan haddii aad reer UK tihiin arrinkaasi..”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.