Guddida dhismaha jidka Dawga-cad ee waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa ka mahad-celiyey deeq lacageed oo haweenka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden u soo direen in wax lagaga qabto dhismaha Jidkaasi.
Guddida oo caawa shir jaraa’id ku qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in lacag qadarkeedu yahay 4,364 dollar looga soo kala diray dalka Sweden iyo Hargeysa,
waxayna ballan-qaadeen in lacagtaasi ay gelin doonaan halkii loogu tallo-galay.
Guddoomiyaha Guddida dhismaha Jidka Dawga-cad, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego in lacagi naga soo gaadhay dumarka Sacad Muuse ee jooga dalka Sweden, lacagtan oo dhan $ 4,324 doollar, waxa lagu soo kala qoray afar dumar ah oo kala ah, Foosiya Cumar Xaashi, Faadumo Maxamed Xasan, Faadumo Xuseen Axmed iyo Xaawa Nuur Maxamed. Lacagtaasi way na soo gaadhay, lacagtana waxa soo ururiyey dumar kaliya oo rag kuma jiro, waxayna yidhaahdeen dumarkaasi noo soo duceeya, waanuna soo dedaali doonaa ayay yidhaahdeen”
Eng. Cabdiqaadir, waxa kale oo uu sheegay “Waxa iyaduna $ 40 doollar noo soo dirtay Ruun Axmed Carte oo Hargeysa joogta” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Dhammaantood waxaanu leenahay waad Mahadsan tihiin, lacagtii aad noo soo dirteena way na soo gaadhay, waxaanuna idiin ballan qaadeynaa inay gasho halkii aad ugu talo-gasheen oo aanaan meel kale ku leexin”
Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyay haweenka lacagta soo diray “Waxaanu u ducaynaa hablaha lacagta noo soo diray iyo kuwii ka horeeyay ee meel kasta nooga soo diray, hablahanna si gaar ah ayaanu ugu ducaynaynaa, waa sadaqo jaariya ah ee ILAAHAY ha idinka aqbalo, ILAAHAY miisaanka xasanaadka ha idiinku daro oo ha idinku dhowro, Ubadkana ILAAHAY ha idiinku dhowro, Diinta iyo sharaftana ILAAHAY ha idiinku dhowro” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Waxaanu rejaynaynaa inay ifkana sharaf idiin kordhiso, aakhirana ay jannada idin geyso. Hawshiina waalla bilaabayaa, waxaana la idinka sugayaa dedaal faro badan”
Eng. Axmed Warsame Siciid, oo isaguna ka mid ah guddida dhismaha jidka Dawga-cad, ayaa isaguna halkaasi ka sheegay in si dhaqso ay u bilaabayaan dhismaha jidkaasi oo meelo ka mid ah dayactir lagu samaynayo “Dumarkaa lacagta soo diray aad iyo aad-baanu ugu mahad-naqeynaa, laakiin waxaan jecelahay inaan idiin sheego in hawshii Dawga-cad la bilaabayo, waxaana dib u habayn lagu bilaabayaa meelihii roobku waxyeelay, meelaha gooladaha ah ee aanu markii hore awoodda u weynay ee baabuurta waaweyni aanay caadi u mari kareynin inaanu ballaadhino. ILAAHAY mahadi ha ka gaadhee waxa qalab arrintaa wax lagaga qabto noogu tabarucay Maxamed Aw Siciid Geeddi, oo noogu yaboohay hal Shawal oo weyn iyo hal ah ka buuraha Jabiya, waxaanuna filaynaa in hal Iska rogo ahi noo timaaddo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Intaana waxaanu kaga hawl-galeynaa inaanu ballaadhino meelihii gooladaha ahaa, waxaanuna bilaabaynaa haddii ILAAHAY nala qabto toddobaadka soo socda horaantiisa, annagu oo rejaynayna in dadkii lacagaha noo soo diray aanu tusno sida aanu u ballaadhinay jidkaasi”
Eng. Cali Cabdi Sarajoog, ayaa isaguna baaq u diray gaadiidleyda isticmaasha jidkaasi, waxaanu u soo jeediyey inay la socdaan mudada dayactirka lagu wado jidkaasi oo aanay ku soconin xawligii hore “Maadaama oo hawshii dhismaha Waddadu bilaabayso, waxaanu doonaynaa inay la socdaan gaadiidleydu, oo aanay ku socon xawligii ay hore ugu socon jireen, oo ay u samraan”ayuu yidhi.