Guddida Jidka Dawgacad Oo Gudoomay Deeq Lacageed, Sheegayna in ay Wafti culus u Dirayaan Imaaraadka

Dawga-sawirGuddida Dawga-cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa deeq lacageed ka guddoomay ururka Hoodaale ee Hablaha beesha degta dhulka uu marayo jidka Dawga-cad ee ku dhaqan dalka Denmark.

 

Guddida dhismaha jidka Dawga-cad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale shaaciyey in xubno ka mid ah guddidu ay dhawaan safar ugu amba-bixi doonaan dalka Imaaraadka Carabta, safarkaasi oo la xidhiidha dhismaha jidka Dawga-cad.

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa isaga oo faahfaahinaya lacagta ay soo gaadhsiyeen hablaha ururka Hoodaale ee dalka Denmark, ayaa yidhi “Halkan waxaan ku hayaa lacag ay soo direen hablaha beesha ee nool dalka Denmark, ururkoodana waxa la yidhaahdaa HOODAALE, lacagtaasi oo dhan $ 2,125 dollar, taasi oo ay u soo direen dawga cad, waxayna ku talo-jiraan inay intaasi in ka badan dib u soo ururriyaan, lacagtaasi way na soo gaadhay oo waxaanu ku shubnay (Akownkii)”

Sheekh Cabdiqaadir, waxa kale oo uu sheegay “Halkii aad ugu talo gasheen ayay martay, aad-baad u mahadsan tihiin, hawshuna sidaas ayay bilow inoogu tahay, waana qabyo, dhamaystirkeedana waa la idinka sugayaa..”ayuu yidhi.

Xasan Cali Wayd, oo ka mid ah qurba-joogga reer Somaliland ee Uk oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa Guddida ka soo ambo-baxaya  Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo aad wada garanaysaan iyo Eng. Axmed Warsame Siciid oo ah farsamo-yaqaanka Waddada dhisaya, ayaa  wafti idiinku imanaaya hadaa tihiin reer imaaraad Carabta, waxay u soo baxayaan inay hawsha Dawgacad ee  ay shaqadiisu socoto waxa badanna ay wali hadhsan yihiin, waxa badanna laga qabtay,

Waxa an kale oo uu Xasan  intaasi Raaciyey  in Reer Imaaraad waxtar ay ka gaysan lahaydeen hawshani Dawgacad ay iyo waxa ay ku Darsanayaanba ay Waftigan kala Xidhiidhaan, isla markaana  waa in aad siwanaagsan u soo dhaweysaan, oo aad waxtar muuqda (ka geysataan), waayo Dawga-cad arrinkiisu sheeko ayuu ku dambayn doonaaye”

Cali Aadam oo isna ka mid ah Gudida Dhismaha Dawgacad ayaa isna sidoo kale fariin u diray Jaliyada Reer Somaliland ee imaaraadka Carabta Gaar ahaan Dadka u Dhashay Deegaanka jidka Dawgacad rag iyo dumarba in ay siwayn uga qaybqaataan wajiga 2aad ee dhismaha Wadada Dawgacad iyo guud ahaan hormarka deegaankooda.

Waxa kale oo uu cali Aadam intaasi ku Daray in dadka u dhashay deegaankani  ay sida dadka kale ee walaalahood ahi ay deegaanadooda u horumariyeen ay iyaguna  Deegaankooda horumariyaan isaga oo sheegay in reer imaraad wax wayn ay ka filayaan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.