Haween Ku Nool Dalka Boqortooyadda Ingiriiska Oo Lacag Ugu Deeqay Guddida Ku Hawlan Dib U Dhiska Jidka Dawgacad Ee U Dhaxeeya Magaalooyinka Hargeysa Iyo Jabuuti

fb dawgacad

Jaaliyadda Haweenka Somaliland ah oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa deeq lacageed oo gaadhaysa dhawr iyo afartan kun oo dollar soo gaadhsiiyey Guddida dib u dhiska wadadda Dawga Cad oo u dhexeysa magaaladad Hargeysa iyo Jabuuti.

 

Munaasibad lagu guddoonsiinayo lacagtaasi guddida dhisida wadadda Dawga-Cad ayaa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana lacagtan soo ururiyey haweenka Jaaliyada reer Somaliland ee Magaalada Cardiff oo ku bahoobay urur la yidhaa ALMIS iyo jaaliyadda Haweenka ku nool magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana munaasibadaasi ka soo qaybgalay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday, Mulkiilaha Huteelka Maansoor Cabdiqaadir Xaashi oo guddidan guddoomiye u ah, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Qurba-jooga reer Somaliland ee dalka Ingiriiska.

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ka mid ah guddida dhisaysa jidkaasi ayaa u mahadnaqay haweenkaasi lacagta soo ururiyey ee ku deeqay lacagtan " wajigeedi kowaad waxa uu ku dhamaaday Waddadii oo la baneeyey oo la salaxay oo maanta ay Gawaadhidii mareyso" ayuu yidhi, isagoo ka hadlaysa qorshaha dambe waxa uu yidhi " qabyo weyn ayaa hadhay oo hawsha guusha laga gaadhay kala badhna maaha, haddii aan waddada laami laga dhigin roobka ugu horeeya ayaa baabinaya wax alla wixii aynu soo qabanay markaa dhameystirkeedi ayeynu u fadhina" ayuu yidhi Sheekh Cabdiqaadir.

Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in lacagtan ay ka kala heleen hablo kala degan London iyo Cardiff ee dalka Ingiriiska, isagoo xusay in Hablaha London soo ururiyeen $17000 kun oo dollar, halka qolada kale ee ALMIS-na keeneen $26,000 dollar.

Eng.Cali Xaashi oo ah qurba-joog reer Somaliland ah oo degen waddanka Canada ayaa sheegay in lacagtan ay ku adkayn doonaan isla markaana laami ka dhigi doonaan intii ay hore u sameeyaan. " Imika wixii qaraamaad la soo ururiyo waxaanu ku bilaabaynaa oo aanu xooga saareynaa inta ugu adkeyd Dawga-Cad inaanu laami saarno haddii aan la hagranin ilaa Ceel-lahelay iyo inta aynu badda ka gaadheyno dhameystirku inuu inoo dhamaado"ayuu yidhi Xaashi.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday, Cali Cumar Cige iyo Mulkiilaha Huteelka Maansoor Cabdiqaadir Xaashi iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo u mahad naqay hablahan iyo kaalinta ay ka gaysteen dhismaha wadadan dawga cad.

Jidkan dawga Cad ayaa ahaa mid aad u halis badan oo gaadiid badan ku qalibmeen, waana meel buuro iyo jarar waaweyn leh, taas oo dhibaato badan ku qabeen dadka u kala safraya Somaliland iyo Jabuuti.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.