Abu-dubai – Haweenka reer Somaliland ee ku dhaqan degmada Al-cayn oo ka tirsan Magaalada Abu-dubia, ayaa deeq lacageed ugu yaboohay dhisamaha jidka Dawgacad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, waxayna lacagtaasi ku soo hagaajiyeen isla-markaana kala wareegay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo safar caafimaad ku jooga dalka Imaaraadka Carabka
Haweenka reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Abu-dubai ayaa lacagtaasi oo dhan 17000 kun iyo boqol Dirhabka Imaaraadka ah ku wareejiyey Sheekh Aaden Siiro, si uu ugu sii wareejiyo guddida dhismaha jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, kaasi oo dhismihiisu meel wanaagsan Marayo.
“Lacagtan waxaanu ka soo ururinay Magaalada Al-cayn, annaga oo ula niyoonay Waddada DAWGA-CAD, waxaanuna ku wareejinay walaalkayo Sheekh Aaden Siiro, oo markii horeba aanu doonaynay inaanu ku hagaajinno, laakiin halkan (Imaaraadka) noogu yimid” Sidaa waxa tidhi, haweenay u hadashay dumarka lacagtaasi soo ururiyey. Waxayna intaasi ku dartay “Lacagta aanu Sheekh Aaden u dhiibney waa 17000 kun iyo boqol dirhab”
Sheekh Aaden Xaaji Maamuud Xiirey (Aaden Siiro), oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad-naqey haweenka lacagtaasi soo ururiyey, waxaanu ILAAHAY uga baryey in halkii ay ka soo saareen uu ugu beddelo wax ka khayr badan “ILAAHAY haka abaal-mariyo haweenkaasi deeqdaa dhan 17000 kun iyo boqolka Dirhab ee Hablaha AL-cayn ku darsanayaan DAWGA-CAD” ayuu yidhi, Sheekh Aaden Siiro, oo intaasi ku darey “Lacagtaasi hablaha keenay ee ka masuulka ahi waxay kala yihiin, Aasiya Ismaaciil Cabdi, Saado Axmed Xirsi, Saafi Cali Gaas, Yurub Jaamac Maxamed, Shukri Jaamac Muuse iyo Saado Cabdillaahi Digaale..”