Jidka Dawga Cad ee isku xidha dalalka Somaliland iyo Jabuuti, ayaa lagu guuleystay in Laamay loo bedalo buurihii iyo qalcadihii dhibaatada lagu qabay isla-markaana hore u galaaftay dad badan oo safar ku ahaa jidkaasi.
Jidka Dawga Cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa badhtamihii 2010-kii loo gundatay sidii wax looga bedali lahaa, ka dib markii loo adkaysan waayay geerida dadka ay gaadiidka Jabuuti u safra ee Somaliland ka baxaa kula dhacayeen jidkaasi oo sida Sawirada ka muuqata ahaa dhul buuralay ah oo maristiisu dantu ku khasabtay dadka Mastaafurka ah ee gaadiidka rakaabka u raaca Jabuuti ama ka soo raaca.
9/11/2010-kii ayay ahayd markii ururka haweenka ee GOBAAD masuuliyiintiisu safar kormeer ah ku tageen jidka Dawga-Cad, ka dib markii maalin kaliya ay ku dhinteen 7 ruux oo isku qoys ah, markii gaadhigii ay la socdeen kula dhacay jidkaasi oo lahaa qalcado halis ah oo ay adkayd in gaadhi maro ama laba gaadhi isku waydaartaan.
Ururka Haweenka GOBAAD, oo ka damqaday mushaakilaadkii jidkaasi ku hayey Muwaadiniinta safarka ah iyo dadka deegaanka Waqooyiga ku dhaqan oo wakhtiyadii abaaraha la waayay meel gaadiidka gargaarka u sidaa u maraan, ayaa bilaabay sidii looga hawlgali lahaa dhismaha jidkan, waxayna ku wargaliyeen dadka deegaanka Waqooyiga u dhashay, kuwaasi oo maalmo ka dib isaga yimid sidii loo dhisi lahaa Waddadaasi halista badan dadka ku haysay, waxa markiiba fikraddaasi soo dhaweeyay Odayaal iyo waxgarad uu ugu horeeyo Mulkiilaha huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, kuwaasi oo markiiba abaabul u galay wax ka qabashada dhibaatada jidkaasi oo muddo dheer soo taxnayd.
Jidkan oo dhismihiisu marayo sanadkii saddexaad isla-markaana ah kii ugu horeeyay ee dadku iskaa wax u qabso ku dhistaan, ayaa masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismihiisu ay ku baaqayaan inaan lagala hadhin taageerada dhaqaale, maadaama oo ilaa hadda hawshu aanay dhammaanin.